Dhagayso: Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf Jibriil ’’Puntland waa inay xirtaa Xuduuda ay la leedahay Galmudug’’

130

Gaalkacyo (Pes) Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf Jibriil oo ka mid ah Baarlamanka DFS ayaa sheegay in go’aankii Hogaamiye Cabdi Qaybdiid uu ku gaaray inuu ku laayo dad Rayid ah oo aan waxba galabsan ay tahay arrin Siyaasadaysan,oo lagu doonayo in lagu burburiyo Nidaamka Federaalka.

 

Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf Jibriil Puntland ugu baaqay in gabi ahaanba la xiro Xuduudaha ay wadaagaan Puntland iyo Galmudug ‘’Maamulka iyo shacabka Puntland waxaan kula talinayaa Maalinkasta shacabka Soomaaliyeed dheghooda kama bixikaraan Hanjabaad iyo dhiig joogto ah iyo adigoon waxba galabsan nin gadaal laga soo riixayo inuu Hanjabaad Hawada soo mariyo,Puntland waa in ay xirtaa Xuduudeeda galmudug,si Hanjabaad dambe aysan uga iman’’Ayuu yiri.

 

Cabi Bare ayaa mar uu ka hadlayey maamulkii Xasan Culusoow iyo kooxdiisu kaga dhawaaqeen Villa Xamar 30 kii july 2014 sheegay in Maamulkaasi yahay mid sharci daro ah.

 

 

Halkan ka dhagayso Xildhibaanka

Puntlandes.com

About The Author