Dhagayso: Puntland ”UN ku waa inay dhexdhexaad ka noqotaa Colaada Gaalkacyo laga hurinayo, cadaysaana Doorkeeda”

Wasiirka wasaaradda Deegaanka, Duur joogta iyo Dalxiiska Dowladda Puntland Dr.Cali C/lahi warsame, (Puntlandes, Gaalkacyo, Puntland, Soomaaliya)

25 okt 2016 (Puntlandes)  Wasiirka Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland Dr Cali Cabdulaahi Warsame oo waraysi siiyey Radio Daljir ayaa ka hadlay Duulaanka lagu hayo magaalaga Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug  isagoo uga baaqay UN ka inay caddeeyaan doorkooda dagaalkaas maadaama ay hawl fududayn u sameeyaan huwanta ka kooban DFS iyo maamulka Galmudug.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka, Duur joogta iyo Dalxiiska Dowladda Puntland Dr.Cali C/lahi warsame, (Puntlandes, Gaalkacyo, Puntland, Soomaaliya)
Wasiirka wasaaradda Deegaanka, Duur joogta iyo Dalxiiska Dowladda Puntland Dr.Cali C/lahi warsame,
(Puntlandes, Gaalkacyo, Puntland, Soomaaliya)

Wasiir Dr. Cali ayaa yiri”Waxaa Xamar laga keenay Ciidan AMISOM ah kadibna Ciidankii ilaalinayey xarumaha maamulka Galmudug ayaa waxaa loo soo Xawilay Colaada Gaalkaacyo inay ka qayb qaataan, intaan ognahay 5 baabuur oo tekniko ah iyo 134 Askeri oo qaarkood ay yihiin NISA qaarkoodna ay yihiinMalayshiyaaadkii ilaalinayey Xarumaha maamulka ayaa waxaa loo soo diray inay ka qayb qaataan Colaada Gaalkacyo, iyagayna ahaayeen kuwa Saaka (Shalay) soo qaaday dagaalka”

Wasiir Dr. Cali oo ka hadlaya kaalinta UN ka ayaa yiri si ay Weerar ugu qaadaandagaalka ”Runtii tuhun wayn ayaan ka qabnaa doorka UN ka ee ku aadan Nabadgelyada iyo Colaada ka taagan Gaalkacyo labadaba, Mas’uuliyadda koowaad waxaa iska leh Galmudug iyo Huwanta la socota hadana waxaan aaminsnahay doorka UN ka inuu yahay door aan cadayn, waxaanaaminsanahayan hawl fududaynta ay siinayaan maamulka Galmudug iyo Diyaaradaha ay siinayaan in loo adeegsado sidii Hub iyo Rasaas looga keeni lahaa Xamar, taasoo loo isticmaalayo Calaada Gaalkacyo markaan leenahay Doorka UN ka ha cadaado waa inay dhexdhexaad ka noqotaa Colaada Gaalkacyo laga hurinayo, waxaan horay u ogayn in DFS ay si toos ah ugu jirto Colaada Gaalkacyo, waxaan rabnaa inay UN ku Cadeeyaan Roolkooda”

Dhagayso Wasiir Dr. Cali


Puntlandes.com

About The Author