Daawo Sawirro xusuus ah oo ku saabsan sidii ay Jamhadii USC u burburisay Gaalkacyo 1991dii

25 okt 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay ummadda Soomaaliyeed u soo gudbinaysaa sawiro uu Qaaday ka qaadnay magaalada gaalkacyo 1991 Wariye Jamaal faarax aadan, kadib qabsashii jabhadii USC ee magaalada Gaalkacyo.

Sawirradan Xusuusta mudan waxaad ka arki doontaan sidii loo gubey Guryihii magaalada Gaalkacyo.

Waxaa kaloo Xusid mudan inay Jamhadii USC ku dishay magaalada Gaalkacyo dad shacab ah oo kor u dhaafaya 600, kuwaasoo aan waxba galabsan oo qaarkood iyagoo nool Ceelal lagu guray.

Falkaas Foosha xun ee ay ku kacday Jamhadii USC waxaa hormood u ahaa Dagaal Ooge Cadbi Qaybiid oo iminka la sheegay in maamulka Galmudug u doortay xubin ka mid Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa inytaas dheer oo Cadbi Qaybiid gacantiisa ku dilay Maxaabiis gaaraya 17 Nabadoono iyo Odoyaal ah, oo inta uu Gaalkacyo ka kaxeeyey ku dilay Tuulada Docol.

Magaalada Gaalkacyo iyo dadkeeduba waxay kasoo kabteen dhibaatadii foosha xumayd ee ay jamhadii USC u gaysatay 1991dii, laakiin iminka ayaa waxaa dib boorka uga jafaya USC iyo Cabdi qaybdiid oo dib u hawlgelinaya madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee DFS Xasan Sheekh oo xubin firfircoon ka ahaa Jamhadaas xiligii ay Xasuuqa gaysanaysay.

Xasan Sheekh iyo Cabdi qaybdiid ayaa doonaya inay mar kale burburiyaan magaalada Gaalkacyo gubaana Guryaheeda, dhiig badana ku daadiyaan.

Daawo sawirrada uu Qaaday ka qaadnay magaalada gaalkacyo 1991 Wariye Jamaal Faarax Aadan
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11
Puntlandes.com

About The Author