SAWIRO/MUUQAAL: Shirkii 2aad ee wadatashiga Wadaniyiinta Soomaliyeed ee xorta ah

Shirwaynihii 2aad ee wadatashiga wadaniyiinta Soomaliyeed ee xorta ah ayaa wuxuu ku dhamaaday guul, shirkaas oo ka dhacay Toronto City in Ontario, Canada ayaa waxaa ka qeyb galay dad Soomaaliya magac weyn ku leh, iyadda oo eey soo qaban qaabisay Isbahaysiga RAJO .
Gobolo iyo degaano fog fog ayaa waxaa isaga yimi  wadaniyiinta Soomaliyeed oo eey ka buuxdo Qiiro wadanimo iyagga oo sitta khibrado kala duwana. Dadka ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Yusur Abrar, Aamiin Caamir, Dr. Cabdiqadir Cali Boolay oo dhammaantood ka mid ah Isbahaysiga RAJO.
Waxaa goobtaas fariimo iyo dardaaran ka soo jeediyay Shiekh Inshaar oo xooga saaray sida wadaniyadu eey muhiim u tahay.
Waxaa kaloo fariintiisa soo gudbiyay haliyaygii weynaa oo Dr. Cabdulqadir Cali Boolaay oo ka mid ah aasasayaasha RAJO, kana mid ah sidoo kale inta yar ee ka sii hartay halgamayaashii xoriyada wadankeena SYL.
Dr. Boolaay wuxuu ka hadlay sida ay RAJO ugu taagan tahay wadadii SYL iyo sida loo baahan yahay xilligaan in loo garab istaago RAJO.
Sidoo kale waxaa ka qayb qaatay shirkaas Amin arts oo wadanimo iyo geesinimo eey Soomalidu ku taqaan, wuxuuna Amin shirka ka sheegay in xubin uu ka yahay RAJO dhinac walbana u garab taagan yahay, Waxaa dad badan oo fadhiyay shirka eey aad u sugayeen Yussur Abraar oo ka sheegtay goobta in shirkaan uu macno wayn ugu fadhiyo eeyna horey uga qayb galin shirar kale hasa yeshee eey aaminsantahay in RAJO eey wado badbaadinta qaranka iyo ummada Soomaliyeed.
Aamiin Caamir ayaa baaq u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed isaga oo fariintiisa soo mariyey Isbahaysiga RAJO soo celinta Soomaaliya, Aamiin Caamir ayaa ugu baaqay Soomaalida xorta ah in gacansiiyaan Isbahaysiga RAJO.
DAAWO MUUQAALKA AAMIN CAAMIR


1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16
Puntlandes.com

About The Author