Sawirro: Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo booqday Mashruuca H. Bursaalax

27 okt 2016 (Puntlandes)  Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed khaliif (Xasan Abgaaloow) ayaa booqday shaqada ka socota isku xirka Labada Ceel Biyood ee Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax.

Gudoomiye Xasan Abgaaloow ayaa booqday qaybaha kala duwan ee uu Mashruuca Horumarinta Bursaalax ka kooban yahay, waxaana Mashruuca ku soo dhaweeyey wafgiga Gudoomiyaha maamulka iyo  Boodhka Mashruuca iyagoo uga warbixiyey Gudoomiyaha shaqadaka socota Mashruuca.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan iyo Mas’uuliyiinta Mashruuca ayaa booqday mid ka shaqada ka socota Mashruuca taasoo ah isku xirka labada Ceel ee Mashruuca isagoo uu Gudoomiyahu uu aad ugu riyaaqay.

Gudoomiye Xasan Abgaaloow ayaa amaanay dadkii kasoo qayb qaatay ilaa iminkana taageero ka gaysta inuu Mashruucu noqdo mid Guulaysta waxa uuna yiri mar uu ka hadlayey “Bursaalax waxay u tahay tusaale cad Bulsho isku Tashatay oo gacmaha isku qabsatay inay Ubadkooda u hagaan Mustaqbal Wanaagsan”

Daawo sawirrada

1
1a

2

3

9

8

6

5c

5b

5a

Puntlandes.com

About The Author