Dhagayso-Sawirro: Banaanbax looga soo Horjeeda Colaada uu ka wado DFS (Xasan Sh.) Galkacyo oo ka dhacay Garowe

27 okt 2016 (Puntlandes) Dadwaynaha ku nool Caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa maanta iskugu soo baxay Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday colaadda uu magaalada Gaalkacyo ka hurinayo Madaxweynihii uu dhamaaday muddo xileedkiisu Xasan Sheekh.

Banaanbax a ayaa waxaa ka qaybgalay Masuuliyiin ay ka mid yihiin, Maamulka gobolka Nugaal iyo kan Caasumadda Garoowe,waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Col. Cumar C/laahi Faraweyne oo hadal ka jeediyey Banaanbaxa ayaa si adag uga hadlay colaada Gaalkacyo isagoo si cad u sheegay inaysan jirayn dawlad ay reer Puntland la dhisanayaa Xamar.

Dhagayso Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Col. Cumar C/laahi Faraweyne


231-8b7

231-8b7a

231-8b7b
Puntlandes.com

About The Author