AKHIRO: Beesha Sade Oo War Kasoo Saartay Dagaalka Galkacyo iyo Mowqifkeeda

27 okt 2016 (Puntlandes) Waxgaradka Beesha Sade ee Gobolka Galgaduud oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Caabudwaaq ayaa daboolka ka qaaday inuusan Matalin Maxamed Xaashi Carabay oo ah Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug,waxaana waxgaradku si wada jir ah u sheegeen inuu yahay shaqsi shaqo tago isla markaasna aan matalin beesha Sade bari ee uu ka dhashay.

226-c7

Waxgaradku waxay hoosta ka xariiqeen in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabay iyo xubnaha kale ee ku sugan Cadaado aysan imaan karin Degmadda Caabudwaaq,waxaana ay sheegeen inaysan degaanadan matalin ayna ku ekaadaan shaqada ay u doonteen Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Waxaa Waxgaradka Sade Bari baaq u jeediyeen dowladda Puntland isla markaasna ay ugu baaqeen inuusan matalin Maxamed Xaashi Carabay Degaanada Waqooyiga Galgaduud isla  markaasna Puntland uu sidaas ula socdo.

Sidoo kale waxaa waxgaradku raali gelin u jeediyeen Puntland oo uu shalay eedeyn u jeediyey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabay,Waxaana waxgaradku ka raali geliyeen Maamulka  Puntland gefka uu kula kacay Maxamed Xaashi Carabay.

Waxaana Hadalladoodu ka mid ahaa:

” Waxaan si sharaf leh maamulka Puntland iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed u sheegeynaa inuu Maxamed Xaashi Carabay uusan degaanadda uu ku abtirsado matalin isla markaasna uu ka shaqeysto Magaalada Cadaado,waxaana u cadeyneynaa inuusan ninkaas iyo xubnaha kale ee Cadaado martida ku ahi aysan imaan karrin degaanada Waqooyiga Galgaduud,Waxaan sidoo kale raali gelin u jeedineynaa Maamulka Puntland oo uu meel uga dhacay Maxamed Xaashi Carabay,waxaana leenahay ninkaasi waa nin shaqo tagay ee hadalkiisa ha u qadanina inaanu la qabno”.

Sidoo kale waxay baaq u jeediyeen Walalaha wada dega Galkacayo:

” Waxaa kale oo baaq nabadeed u jeedineynaa Walaalaha Soomaaliyeed ee ku wada nool Galkacayo,waxaana ugu baaqeynaa inay ka tashadaan aahayahooda iyo danta ubadkooda,waxaana haboon in nabad ay qataan isla markaasna dadku ay noqdaan ul iyo diirkeeda,mana wanaagsana in  colaad xilligan laga dhex huriyo walalaha ku wada nool Galkacayo iyo nawaaxigeeda”

About The Author