Mas’uuliyiin awoodooda sharci baal maray (Laba MOOGE)

130

Xalay ayaan waxaan daawaday Gudiga Fulinta ee baarlamaanka dowlada Xamar oo su’aalo ku saabsan sababta ay dowlada Xasan Baarlamaanka oo diiday ugu wareejisay Shirkad Turki ah Dekadii Caasimadii hore ee Somalia Xamar. Waxaan aad iyo aad ula yaabay jawaabtii uu bixiyey Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekadaha DFS Yuusuf Macalin Aamiin oo yiri ”Shirkada waxaa heshiiska lala galay obtobar 2013 qalab qaali ah oo ay ku soo rareen lacag dhan 2 maljan doolar ka waxaan baqay in dowlada Turkiga….”

 

292

Wasiirku maba oga awooda baarlamaan, wasiirku maba oga awoodiisa, Wasiirku maba oga in uu sharci jabiyey. Wasiirku wuxuu ku soo ururayaa MOOGE, waaba MOOGE.

 

Waxaa MOOGE kale ah Madaxweynaha Puntland Dr cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo isna baal maray sharcigii lagu doortay. Dr Gaas maxaa madaxweyne Puntland loogu doortay 08 janaayo 2014, iyadoo ahayd dal dhan oo wax walba u dhamaystiran yihiin maanta wuxuu ka dhigay wax ka liita xaafada Boobdheere ee Magaalada Xamar. Wuxuu si sahal ah gacanta ugu galiyey Puntland cadowgeed raba in ay dumiyaan isna waa jiifaa.

MOOGE Dr Gaas Puntland wuxuu ka dhigay quwadii iyo Sumcadii ay lahayd meel aan jirin.

Waxaa su’aali ka taagan tahay ma la daawanayaa inta Xasan Culusoow Cadba meel u gaynayo Puntland?

 

Puntlandes.com

About The Author