Gaalkacyo: Iskudaygii weerarka xalay ka dib waasee xaaladda Gaalkacyo

Magaaladda Gaalkacyo ayaa saaka dagan, iyada oo aan saaka la maqlayn wax rasaas ah, mana jirto wax iska hor imaad ah oo ka jira magaaladda maanta.

Habaynkii xala ayaa koox xaafadda wada jir kusoo gasha si dhuumaalaysi ahi, waxaa ay isku dayeen in ay weeraraan saldhiga Miir ee xaafadda horumar, weerarkaas oo ay ciidanka amaanku ka hortageen, is rasaasayn daqiiqado kooban socotay ka dibna ay meesha isa carareen maleeshiyaadkii weerarka Soo qaaday.

Inkasta oo ay saraakiishu xaqiijinayaan in ay weerarkaan soo qaadeen koox ka tirsan Huwanta, misana wali nooma aysan xaqiijin garab saxdaa ee kooxdaasi kasoo jeedo, inay yihiin Ciidanka Maamulka Baraxleey iyo inay yihiin ku xulufadooda Al-shabaab ama Ciidamo beeleedyo lagasoo aruuriyey Muqdisho.

Ciidamada Huwanta ayaa xalay waxaa ay ciidan soo dhoobeen, kantarool ay gaadiidka uga qaadaam lacago baad ah, oo ku yaal koonfutta. Ciidankaas ayaa laga cabsi qabaa in ay gudaha ugalaan xaafadda baraxleey si ay uga soo dagaalamaan, taas oo keeni karta khatar hantiyeed iyo in xakamaynta dagaalku faraxa ka baxdo.

Ciidamad ayaa wali is hor fadhiya ilaa haddana wax rajo waan waan ah oo socotaa majirto, xabadda ayaana saacad kasta Qarxi karta.

Lasoco-wixii kasoo kordha.

About The Author