Akhriso: Warbixin Qaramada Midoobay Dhaqaalaha ugu badan maxay ku bixisaa?

Sida ay sheegayso war bixin daawasho ah oo ay soo aruurisay Retuers, Qaramada midoobay ayaa caawiso in badan oo Soomaali ah, iyada oo fidisa caawinaado kala gadisan sida ay sheegeen.

Sida war bixinta laga dheehanayo shaqooyinka QM ay qabtaan maahan kuwo raab fiican ka taga, sida muuqata dhamaan wax qabad yadu waxaa ay isugu jiraan wax dib ugu laabta QM iyo Beesha Caalamka (BC), dhaqaale balaaran oo wax qabad ahaan kaafin kara in bada baahiyaha joogta ee Soomaliya ayaa ku baxa safarro iyo kulamo.

QM ayaa sheegaysa in ay bilkasta cunto ku caawiyaan, 800,000 (Sideed Boqol oo kun) oo Soomaali ah, kuwaas oo laga caawiyo cunto. Dhinaca caafimaada ayay sheegeen in ay 2,000,000 (laba Milyan) oo caruur ah in laga talaalo POLIO.

Dhinaca horumarinta wakhtiga dheer ayey sheegeen in Dowladda Federaalkaa iyo Dowlad goboleedyada ka caawiyaan, dajinta qorshaha qaran ee 30ka sano.

Dib u hishiisiinta waxaa ay sheegayaan in ay qayb weyn ka qaateen, dhismaha maamulada iyo balaarinta federaalka.

QM ayaa sheegay in ay dhibaato weyn ku qabaan, iyaga oo weeraro kala kulma xarumahooda ay ka dagan yihiin Soomaliya gaar ahaan Muqdisho, sida ay sheegayaan 10 weerar ayaa lagu soo qaaday xarunta sanadkii 2016 oo kaliya, waxaana ay marar badan ka cabanayaan, iin aysan u sahlanayn in arimaha bini aadantinimada ufulin karin sidii loo baahnaa, maadaa aysan shaqaalah QM usocon karin si nabad galyaa mararka ay fulinayaan arimaha bini aadantinimda.

Sandor Murru waxaa uu leeyahy “markaa rabtid in hawl bini’aadanimo fulisid waa in aad qaadataa gaari ciidan, shaqaalaha waa in ay helaan qalab la isku difaaco iyo kuwa bad baada, waa in ay haystaan gar gaarka dag dagaa, sidoo kalana waa in ay haystaan shaqaale u tababaran gar gaarka dag dagaa iyo adeega lagu wada xiriiro”

QM ayaa sheegtay in ay gar gaar caafimaad oo heersare ah siiyaan shaqaalaha bulshada caalamka ee Soomaaliya ku sugan.

Matti Nikkila waa ku xigeenka madaxa caafimaadka Qaramada midoobay ee Soomaaliya, waxaa uu ka war bixina adeegyada caafimaad ee ay haystaan, waxaa uu sheegay in ay haystaan laba Airkopter oo gar gaarka dag dagaa ah, kuwaas oo waxyaabo badan lagula socda.

QM ayaa ka cabanaya dhibaatada socdaalka, xumaanta wadooyinka iyo in aan laheli kari waxyaabo badan oo saacidi kara isusocodka, taas oo gar gaarka QM ka dhigta kuwo qaali ah.

QM ayaa sheegay in sanadkii hore ee 2015, ay Soomaaliya soo gaarsiinyeen 32,000mt (sodon iyo laba kun oo Mitiri tan) oo cunto ah, kuweaas oo lagu keenay Maraakiib, gawaari iyo Marakiib intaba.

QM waxaa ay dhaqaale aan yarayn ku bixisaa duulimaadyada Soomaaliya gudeheeda iyo Dibadeeda, Duulimaadyada oo kaliya ayaa waxaa ku baxa $63.5milyan (Lixdan iyo sadex milyan iyo Shaboqol oo kun oo Doolara) sanad kasta.

Sida ay warbixintu sheegayso 64,000 (Lindan iyo afar kun) oo qof ayaa Soomaaliya gudaheeda iyo Dibadeeda ukala safarta Sanad kasta, Shaqaalaha QM midoobay ayaa ah 1,800 (Kun iyo sideed Boqol) oo shaqaale ah Soomalai iyo Ajinabi.

Qaramada Midoobay, ayaa sanad kasta waxaa ay Soomaaliya u qaaraantaa Boqolaal Milyan oo doolar, kuwaas oo ladoonayo in ay lagu xasiliyo, waxna looga qabto dhibaatooyinka Soo laalaabta ee wadanka kajira, sida abaaraha iyo Colaadaha, oo dhaqaale gaar ah loogu tala galay.

Sida au war bixintu sheegayso waxaa soomaaliya ka hawl gala 23 hay’addood oo Qaramada midoobaya ka tirsan, halka ay ka qashaqeeyaan kumanaan kale oo dhaqaale ka qaata, kuwaas oo isugu jira Caalami iyo Wadani.

waxaa ka mid ah 23ka Hay’addood ee Qatamada Midoobay

OCHA, UNDP, UNFPA, WFP, UNHCR, UNCDF, UNHAS, UNEP, UNICEF, ILO, IOM, UNESCO, FAO, UNODC, UNWOMEN, UNOPS, WHO, UNSOM, UNSOS, UNID, UN VOLUNTEERS, UN HUMAN RIGHTS, UN PLAND OF ACTION DISASTER RISK REDUCTION FOR RESILIENCE.un-somalia

About The Author