Daawo+Gaalkacyo: Caruur 5ah oo 4kamid ah ay tahay Curyaan loo qareemayo

Waxaa magaaladda Gaalkacyo ku nool ciyaal yar yar oo curyaan ah, waxaa ay ka kooban yihiin 5caruur ah, Ciyaalkaas 4kamid ah waa curyaan, waxaa ay la nool yihiin hooyadood oo iyana xanuunsan, ayeedood oo iyana xanuunsan ayaa la nool.

Ciyaalkaan waxaa ay u baahan yihiin in la caawiyo, horay ayaa looga baahiyey warbaahin maqal muuqaalka ee Soomaalida qaarkood, waxaana soo kaalmeeyey ummadda Soomaaliyeed oo kala Gadisan.

Maanta Mustaf Xaarin oo ka tirsan warbaahinta Puntlandes, ayaa gaarsiiyey Kaalmo lacageed oo ka tmid, walaalo islaam ah oo ka shaqeeya Garoonka diyaaradaha ee Minyabulis cariga Maraykanka, waa Taksiilayaal is xilqaamay, lacagtaas oo gaaraysa $ 1,700 (Kun iyo Todoba boqol oo doolar), lacagtaas ayaan lagu wareejiyey Hooyada caruurtaan maamo Safiyo shiikh Axmed.

Caruurta ayaa haatan ka cararay Colaadda Magaaladda Gaalkacyo, waxaana ay dagan yihiin Magaaladda Bacaadweyn, halkaas oo ay ummad islaam ahi ku daryeeslayso, uguna qareemayso.

Baarlkiin Maxamuud Shiikh cismaan, oo kamid ah gudiga uqaareemaya ee dhaqaalaha u aruurinaya, ayaa waxaa ay ummadda ka codsatay in ay soo gar gaaraan, si ilmahaasi ay ugu noolaadaan nolol middaan dhaanta.

Daawo.

https://www.youtube.com/watch?v=lvmlymVgRZc

Sawirro.

img_0597 img_0606 img_0610 img_0614 img_0625 img_2077 img_2086

 

About The Author