Hobyo: Warar Dheeraad ah oo kasoo baxaya doon taagan Hobho.

Magaalo xeebeeda Hobyo waxaa ay ka mid tahay goobaha leh marsooyinka yar yar ee Gobolka Mudug, waxaana marar badan la isku dayey in laga soo dajiyo maciishad iyo shidaal inkasta oo lagu guul daraystay.

Laga soo bilaabo habaynkii xalay waxaa isa sootarayey warar sheegay doon taagan mee ku dhow xeebta Hobto, doontaan oo aan wali la cadayn waxa ay siddo ayaa waxaa kasoo baxaya warar iskhilaafsan.

Wararku waxaa ay xaqiijinayaan in doontaani ay ka timid magaaladda Muqdisho, ayna siddo Shidaal aan iyo Rasaas noocyo kala gadisan ah.

Goob jooge warkiisa lagu kalsoonaan karo ayaa noo xaqiijiyey in ay doontaasi siddo shidaal iyo wax kale oo aysan iyagu garanayn, wuxuu noo sheegay in alaabada ay kasoo qaadayaan doonyo yar yar, Inkasta oo Habankii xalay ahaa laga dajiyey wax aan shidaal ahayn, balse aysan aqoon waxa ay yihiin.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in ay baddu mar mar kacayso ayna adagtahay in doonyaha yar yari tagaan.

ciidanka sirdoonka Dowladda Puntland ayaa sheegay in ay hayaan xoga, ayna isha ku hayaan oo ay lasocdaan dhaq dhaqaaqa ka socda aagaas, iyaga oo sheegay in ay Ogyihiin rasaasta madaafiicda Qaarkeed oo ay diyaarado keeneen Magaaladda Cadaado.

Wixii kasoo kordha Laso.

About The Author