Gaalkacyo: Isbadal kasoo kordhay jiidaha lagu dagaalamay.

Magaaladda GAalkacyo oo maalmahaan Danbe daganayd, ayaa saaka waxaa laga maqlayaa rasaas aan badnayn, iyada oo wararka aan ka helayno halkaas ay sheegayaan, in ay rasaasta soo ridiyaan qaar ka mid ah ciidanka Huwanta.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka oo aan wax ka waydiinay rasaasta saaka, ayaa noo sheegay in ay xalay magaaladda soo galeen ciidamo laga keenay baadiyaha magaalada, iyo Gadiid ka yimid Hobyo oo waday Rasaas maalmahaan ka go’onayd ciidanka Huwanta.

Saraakiisha ayaa noo xaqiijiyey in dagaal la filan karo, sababta awal uu dagaalku u istaagyna ay tahay, madaama ay ay dhanka Huwantu is aruursanayeen, saad kuna ka dhamaaday.

Mar aan wax ka waydiinay qorshahooda waxaa ay noo sheegeen, in Puntland ay markasta meesheeda joogto, weerarna aysan qaaday, sidaas darteedna ay xaaladdu ku xirantahay dhinaca kale ee Huwanta oo markasta Xabadda soo bilaabaya.

Waxaa ay walaac ka muujiyeen saraakiishu, in ay adkaan karayso in xabaddu mardanbe joogsatto haddii ay dib u qaraxdo.

Lasoco wixii kasoo kordha.

 

About The Author