Xog-Sawiro: Kooxdii Isbedeldoonka ee uu Gaas u dirsaday Xamar

130

Madaxweyne MOOGE (DR Gaas madaxweynaha Puntland) ayaa rag u badan kooxdiisa Isbedeldoonka waxaa uu si dhuumaalaysi ah ugu dirsaday Xamar si ay ugu soo saxiixaan Madaxa Villa Wardhiigleey  Xasan Culusoow in uu wakiil ka yahay shacabka iyo dowlada Puntland loona fasaxo lacagtii loogu yaboohay Somalia laakiin ay Beesha caalamku xanibtay ka dib markii ay shuruudo ku xirtay si ay lacagtaas u siiso Xasan Culusoow.

352 353 354

Danta kaliya ee ay kooxda MOOGE ugu dustay Xamar waxay ahayd Xasan Culusoow oo u baahnaa saxiixooda si uu ula tago Shirka Kopenhegan ka dhici doona dhawaan.

Wararka ay helayso Warbaahinta Puntlandes ayaa hoosta ka xariiqaya in ay kooxdii mooge u fuliyeen wixii uu ka doonayey Xasan Culusoow dhamaantood sharuud la’aan

Kooxda Mooge xataa ma waxay garan waayeen goäaanka dowladeed in uusan ku salaysnayn in sidii dabashii sekenba meel la joogo ama aan go’aan kii hore mid burinaya la qaadan? Kooxda Mooge waxay garan waayeen in uu dhamaaday dulqaadkii shacabka nabada iyo samaha jecel ee Puntland?

Baarlamaanka Puntland oo dhawaan furmaya waxaa looga fadhiyaa in ay wax ka qabtaan Kooxda Mooge haddii kale Puntland ta ay Xildhibaanada u yihiin ma jirayso ee taa ha ogaadaan

Puntlandes.com

About The Author