Hay,adda UNICEF oo soo bandhigay waxqabadka Nadaafada & Biyaha ee Puntland

31 okt 2016 (Puntlandes) Wasaaradda Qorsheynta iyo Hay,adda UNICEF ayaa soo bandhigay waxqabadka Nadaafada iyo Biyaha Puntland ee Hay,adda UNICEF qeybteeda biyaha iyo nadaafadda ee sanadka 2016.

Kulan lagu qabtay Garowe ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno ka socda dhamaan wasaaradaha dowlada sida Wasaaradda Caafimaadka, Hay,addaha Biyaha u qaabilsan Puntland iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Cawaale oo ka hadlay furitaankii kulankaan ayaa uga mahadceliyay Hay,adda UNICEF waxqabadka 2016 ka samaysay arrimaha nadaafadda iyo biyaha Puntland.

Axmed Cawaale ayaa sidoo kale ugu baaqay Hay,adda UNICEF inay qeyb ka noqoto dadaalada loogu jiro sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira Puntland, Iyadoo laga duulayo baaqii Madaxweynaha Puntland iyo Hay,adda HADMA ee ahaa in loo istaago wax ka qabashada abaaraha ka jira dhulka Puntland.

img_7211img_7212img_7213img_7214img_7222img_7223img_7226img_7227img_7234img_7235img_7237img_7238img_7239img_7242img_7243img_7246img_7247img_7253img_7262

Puntlandes.com

About The Author