Punatland oo la xoojinayo shaqeynta Dowlada Puntland & Hay,addaha Caalamiga

31 okt 2016 (Puntlandes) Waxaa maanta ka furmay magaalada Garowe shir ku saabsan xoojinta habka wada shaqeynta Dowlada Puntland iyo Hay,addaha Caalamiga , waxaana kazoo qeyb galay shirkan masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga,Madax ka socota Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Hay,adda Musiibooyinka Dabiiciga ee HADMA, Wasaaradda Caafimaadka,Madax ka socota  Hay,addaha UN-ka ee kala ah UNDP,OCHA,Xafiiska isku xirka Hay,addaha Caalamiga ee Soomaaliya ,Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland iyo Wakiilo ka socda Hay,addaha Caalamiga

Shirkan oo ahaa mid balaaran ayaa lagu soo bandhigay sharci dhawaan ay ansixiyeen Baarlamanka Dowlada Puntland, Kaas oo lagu dhaqi doono Hay,addaha Caalamiga iyo Isku duba ridka Siyaasadda deeqaha caalamiga ah.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dr Shire Xaaji Faarax oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in lagu soo bandhigayo  nidaam horumarinta Puntland oo ah (Puntland Development Forum) kaas oo ah hab cusub oo lagu maamulayo deeqaha soo gala dalka, islamarkaana saldhig u noqonaya siyaasada isku dubaridka deeqaha.

Shire Xaaji Faarax ayaa sheegay in Wasaaradiisu u qaabilsan tahay Dowlada Isku xirka hay,addaha caalamiga ah, wuxuuna ka codsaday kazoo qeybgalayaashii shirka inay ka qeyb qaataan sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta u dhaxaysa Dowladda iyo Hay,addaha Caalmiga ah.

Dhinaca kale Xeer ilaaliyaha guud ee Dowlada Puntland oo ka hadlay kulanka ayaa faahfaahin ka bixiyay sharciga cusub, wuxuuna sheegay inuu ka kooban yahay sharcigu waajibaad iyo xuquuq Islamarkaana lagu dhaqi doono Hay,addaha Caalamiga ah, lana yiraahdo magaciisa (NGO Act).

img_7123img_7134img_7151img_7154img_7156img_7158img_7167img_7168img_7169img_7171img_7172img_7175img_7179img_7180img_7181img_7182img_7183img_7187img_7199img_7204img_7307img_7309img_7311img_7335img_7343img_7346Puntlandes.com

About The Author