SAWIRO- Bahda Caafimaadka PL oo shir ka yeeshey sidii Adeegyo Caafimaad loo gaarsiin lahaa goobaha ay ku soo qaxeen dadki ka yimid Galkacyo iyo Qandala.

Xarunta wasaaradda Caafimaadka Puntland ee Garowe ayaa waxa lagu qabtey kulan looga hadlayo sidii wax looga qaban lahaa Dadka ka soo qaxey deegaanadda Colaadu ay ka soo cusboonaatey ee Galkacyo iyo Qandala,waxaana shirkaan oo ay ka soo qayb galeen wakiilo ka socdey Hay’addaha Caafimaadka ee ka howl gala deegaanada Puntland.

Waxaana inta shirkan uu socdey lagu soo gudbiyey warbixino la xiriira Xaaladda Caafimaad ee ay ku nool yihiin Qoysaska ka soo qaxay colaadda deegaanaddaas xili lagu guda jiro abaaro baahsan oo dalka intiisa badan ka jira.

Wakiil u hadlay hay’adda UNICEF ayaa tilmaamay in xiligaan oo kale ay waajib tahay in dhamaan hay’addaha Caalamigu ay u kacaan sidii gurmad Caafimaad loogu fidin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee colaad darteed uga soo qaxay guryahoodi.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdi Naasir Cismaan Ciise Cawke oo hadlay waxa uu tilmaamay in shacabkani ay u baahan yihiin in loo fidiyo gar’gaar dag dag kaas oo ka kooban Nafqaynta Caruurta,Dawaynta guud iyo Buufinta Kaneecadda iyo cuduradda keena calool xanuunka maadama xiligan deegaanadda dadku ay ku qaxeen ay ka jirto abaar iyo kulayl iswata.

Waxaana bahdda caafimaadka Puntland ay ku howlan tahay ay wadaa qorshe Caafimaad oo xiligani lagula tacaalayo dadka Colaadu ay ka soo qixisey deegaanadoodi iyado wasaarada Caafimaaka Puntland xili walba oo xaalad ka soo cusboonaato deegaanadda Puntland ay qaadato doorkeeda Caafimaad.

Hoos ka daawo Sawiradda

14813253_1111873668849022_1559498448_o 14875877_1111873475515708_296270631_o 14875881_1111873632182359_1071430989_o 14876176_1111873458849043_726841193_o-1 14881384_1111872842182438_240737616_o 14881385_1111873558849033_1260141810_o 14907739_1111873528849036_1291407416_o 14907815_1111873612182361_1042722818_o 14958007_1111873682182354_1219284163_o

About The Author