Sawirro: Madaxweyne Kuxigeenka Dawlada Puntland Ahna Kusimaha Madaxweynaha oo ka qaybgalay kulan lagaga Hadlayey Maalgashiga Soomaaliya oo ay isugu yimaadeen Qaar kamid ah Masuulin Katirsan Maamul Goboleedyada Dalka

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 01 November 2016 Garoowe ka ga qayb galay kulan uu soo qaban qaabiyey Bangiga Adduunka (World Bank),  islamarkaana ay ka soo qayb galeen qaar kamida maamul goboleedyada Dalka, Guddoomiyaha  rugta ganacsiga Soomaaliya iyo saraakiil ka socdey bangiga adduunka.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa dhanka Puntland kasoo qayb galay Wasiirka Wasaarada ganacsiga iyo Warshedaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle iyo xubno ka socda rugta ganacsiga Puntland, iyadoona kulanka intii uu socdey diiradda lagu saaray sida ugu fudud ee waddamada shisheeye iyo shirkadaha caalamiga ah ay u maal gashan lahaayeen dalkeena hooyo ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa muddadii kulanku socday  lagu lafa guray sidii loo midayn lahaa guud ahaan bangiyada ka hawl gala Soomaaliya isla markaana ay u yeelan lahayeen xidhiidh sahlaya in shacabka Soomaaliyeed ay si isku mid ah u wada adeegsan karaan guud ahaan bangiyada dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay ayaa ugu horayn hambalyo u diray maamul goboleedka Soomaliyeed ee Hir-Shabeelle oo aan isagu ka soo qayb gelin kulanka lagu gorfaynayey adeegga maaliyadeed ee soomaliya, sidoo kalena waxa uu madaxweyne ku xigeenku ku soo dhoweyey Puntland  xubnaha ka socdey maamul goboleed yada Dalka iyo kuwa ka socdey Dawladda fadaralka Soomaaliya.

Dhinaca kale  Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ayaa ku tilmaamay in kulankaani  uu muhiim u yahay is dhexgalka maamul goboleedyada Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu tibaaxay in adeeggan maaliyadeed ee soomaaliya uu wax weyn ka bedeli doono mustaqbalka dhaqaale ee soomaaliya iyo isu keenidda ganacsatada soomaaliya.

Ugu dambayn kusimaha Madaxweynaha ayaa ku boorriyey masuuliyiintii kasoo qayb gashay kulankaan in muddada dhowrka berri ee uu socon doono kulankaan lagu gorfaynayo nidaamka adeegga maaliyadeed ee Soomaaliya ay ka soo saaraan qodobbo dhaxal-gal u ah ummadda Soomaaliyeed  isla markaana wax weyn ka beddeli kara adeegga maaliyadeed ee Dalka Soomaaliya.

img_1530 img_1835 img_1823 img_1815 img_1811 img_1795 img_1741 img_1744 img_1743 img_1779 img_1788 img_1793 img_1740 img_1736 img_1706 img_1702 img_1693 img_1681 img_1621 img_1622 img_1624 img_1627 img_1641 img_1648 img_1609 img_1599 img_1598 img_1595 img_1593 img_1590 img_1587 img_1588 img_1585 img_1582 img_1578 img_1576 img_1572 img_1569 img_1562 img_1547 img_1545 img_1541 img_1532

Puntlandes.com

About The Author