AKHRISO: Madaxweyne Gaas oo 7 belood oo Cumar Maxamuud ku jiro si qasab ah ugu qoray inay Haween usoo xushaan Kuraastooda

1 nov 2016 (Puntlandes) Madaxweynanaha dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waraaq ay heshay Warbaahinta Puntlandes ugu Qasbay 7 belood inay kuraasta ay ku leeyihiin Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka usoo xushaan Haween.

gaas1-764160

7da beelood ee madaxweyne Gaas sida Qasbayo ayaa kala ah:

  1. Cumar Maxamuud: 1 Xubin oo Haween ah
  2. Cismaan Maxamuud: 1 Xubin oo Haween ah
  3. Maxamuud Garaad: 1 Xubin oo Haween ah
  4. Baha Nugaaleed: 1 Xubin oo Haween ah
  5. Awrtable: 1 Xubin oo Haween ah
  6. Carab: 1 Xubin oo Haween ah
  7. Leelkase: 1 Xubin oo Haween ah

Waxaa xusid mudan in Beelaha Cumar Maxamuud ay Aqalka Sare Xubin haween ah ay kasoo gashay halka ay tusaale ahaan Beelaha Ciise Maxamuud aysan kasoo gelin Aqalaka Sare Haween ee uu kasoo galay madaxweynihii hore ee Puntland Dr Faroole.

Hadaba badan oo kasoo jeeda Beelaha Cumar Maxamuud oo ay ka waraysatay Warbaahinta Puntlandes arintan ayaa kusoo koobay hadalkooda sheekada madaxweynuhu wadaa waa “Odayga habarta lasaar” waxaad moodaa inuusan ku dhicin dadka kale.

Akhriso Waraaqda

231-9a5a

About The Author