Garoowe Oo Siweyn Looga Dareemayo Diyaar Garoowga Doorashada Aqalka Hoose.

2 nov 2016 (Puntlandes), Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa siweyn looga dareemayaa diyaar garowga doorashada xubnaha aqalka hoose ee Soomaaliya, oo dhowaan dhacaysa.

Magaalada ayaa waxaa kusugan qaar kamid ah ergooyinka dooran doona xubnaha aqalka hoose, musharixiinta u tartamaysa xubnahaasi, gudiga doorashada heer federal iyo heer maamul goboleed labadaba.

Gudiga doorashada dadban oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in magaalada ay soo gaareen qaar kamid ah 51da ergo ee dooran doona xubnaha aqalka hoose ee barlamaanka Soomaaliya.

Jaamacadda PSU ee Garoowe ayaa lafilayaa in dhowaan lagu qabto doorashada xubnaha aqalka hoose, wallow uu jiro khilaaf u dhexeeya gudiga doorashada iyo gudiga xallinta khilaafaadka.

About The Author