Magaaladda Gaalkacyo waxaa galabta ka dhacay dagaalka uu gabalku udumay, kaas oo qarxay kadib weerar saf balaaran ah oo ay soo gaaqadeen Huwanta ay hogaaminayso Galmudug.

Isda ay noo xaqiinayaan xarumaha caafimaadka waxaa la keenay 2nin oo dhaawac ah, kuwaa oo dhaawacoodu fudud yahay, majiraan wax khasaare dhimasho ah oo galabta dhacay dhinaca Puntland.

Dhinaca kale Isbitaaladda koonfurta ayaa la geeyey 5nin oo dhaawac, oo laba kamid ah ay culusyihiin, halka dhimashada lageeyey ay tahay 3nin, Majiraan cid ka hadashay oo labada dhinac ah.

Dagaalkaan ayaa kusoo aadaya xili ay xaaladda magaaladda Gaalkacyo kasoo raynaysay, Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Galmudugna ay soosaareen warmurtiyeed, ay uga hadlayeen xaaladda magaalada ay ugu dhawaaqeen xabad joojin.

About The Author