Xildhibaanada Koofurgalbeed oo u ogolaaday in Shariif Xasan isku sharixi karo Madaxweynaha Soomaaliya

4 nov 2016 (Puntlandes ) Madaxweynaha maamul goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu yahay musharaxa madaxweynaha Soomaaliya ee Doorashada la filayo inay dhawaan dalka ka dhacdo.

231-9c2

Shariif Xasan ayaa maanta hortagay Baarlamaanka Maamul goboleedka Koofurgalbeed waxaana uu ka codsaday inay u golaadaan inuu isku sharaxo xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Cod ay u qaadeen xildhibaanada baarlamaanka Koofurgalbeed ayaa waxa ay si aqlabiyad leh ugu oggolaadeen in uu Shariif Xasan u tartami karo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya.

Sida muuqata Shariif Xasan ayaa isku saharixi doona madaxtinimada Soomaaliya isagoo ah madaxweynaha Koofurgalbeed.

Puntlandes.com

 

About The Author