Akhriso: Maamulka Hirshabeelle oo Musharixiinta Aqalka Sare kusoo daray DAGAAL OOGE Muuse Suudi

4 nov 2016 (Puntlandes ) Maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyey Liiska maamulkaas ee u tartamaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeelle 8 ayaa waxaa u tartami doona 21 Musharax oo 5 kamid ah ay yihiin dumar, sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Musharixiintan ayaa waxaa kala saari doona Baarlamaanka Hirshabeelle iyagoo qudbado u jeedin doona xildhibaanada baarlamaanka berri 5ta Bisha November kana hadli doona waxyaabaha ay qaban doonaan.

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ayaa waxa ay dhici doontaa maalinta Axada lixda bisha November 2016.

231-9c1

Liiska Musharixiinta ayaa waxaa ka dhex muuqda DAGAAL OOGE DHIIGYOCSAD Muuse Suudi Yalaxow, kaasoo gacantiisa ku dilay Soomaali ayaad u faro badan qayb wayna kasoo qaatay Burburintaa dawladii Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo Xusid mudan inuusan jirin hal kursi oo Haweenka loo qoondeeyey iyadoo Gabari ay la tartamayso hal nin halka Afar Gabdhood ay la tartamayaan hal nin.

Akhriso Magacyada Musharixiinta Aqalka Sare ee Hirshabeelle

1- Maryan Axmed Haaruun iyo Aadan Axmed Xuseen

2-Faadumo Abuukar Mahdi, Drs Naciimo Shiikh Maxamuud, Fartuun C/dir Faarax, Sacdiyo daa’uud Maxamed iyo Axmed Dayib Axmed

3-Maxamed Cismaan Faarax (Dhagajun) iyo Cumar Cismaan Cilmi

4-Bashiir Maxamed Aadan iyo Cabdnuur Ibraahin Farey, Cismaan Mocow iyo Siraaji Shiikh Isxaq Cabdulle.

5-Maxamed Amiin Shiikh Cismaan iyo Maxamed Xasan Geedi

6-Muuse Xasan Yalaxow (Muusesuudi) iyo  Xasan Cali Caadle

7-Maxamed Xuseen Raage iyo Keyse Diiriye Nuur

8-Jaamac Xuseen Xaashi iyo Proff Cismaan Maxamuud Duflle

Maamumulada Galmudug iyo Jubaland ayaa horay u sheegay inay Xubin Aaqal sare usoo doorteen Dagaal Oogayaasha kala ah Cabdi Qaybdiid iyo Axmed Xashi iyo Fartaag.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa iminka u muuqda Aqalka DAGAAL OOOGAYAASHA DHIIGYACABYADA AH.

Puntlandes.com

About The Author