PDF oo War-saxaafadeed kasoo saartay Colaada Gaalkacayo

231-9c3

War-saxaafadeed: Colaada Gaalkacayo

Ref: PDF/02100                                                                                                Oct. 29, 2016

www.puntlanddiaspora.org                                                       info@puntlanddiaspora.org

Sadexdii todobaad ee ugu danbeeyay waxaa shacabka degan Magaalada Gaalkacayo soo wajahday dagaal iyo colaad u dhexeeya Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland iyo kuwa Maamulka kumeelgaarka ah ee Gal-Mudug. Colaadaas soo noqnoqotay waxay sababtay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo shacabka aan waxba galabsan soo gaartay, hanti badan oo burburtay iyo dad gaaraya 70,000 oo qof oo ka bar-kacay labada dhinacba.

Colaadaani waxay kaloo hakad gelisay isu socodka dadka iyo badeecadaha ganacsi ee daruuriga u ahaa shacabka labada dhinacba. Tani waa markii labaad ee 12 bilood ee ugu danbaysay ay colaad baaxad weyni ka dhacdo magaalada Gaalkacayo. Hadaba, Gollaha Qurbajoogta Puntland (PDF) waxay aad uga welwelsan yihiin colaadaan soo noqnoqotay , waxayna Masuuliyiinta Maamuladda, Cuqaasha, Indheergaradka, Ururadda Bulshada iyo Culimadda labada dhinacba ugu yeerayaan inay sida ugu degdega badan colaada taagan u hakiyaan, usoo dhexgalaan, xal waara iyo wada hadalna ay dadka walaalka reer Mudugna ku wada noolaan karaan hormuud ka noqdaan. Hurinta colaadaan hadaan laga hortagina waxay keeni doontaa in dabkaani gaaro deegaamo kale caqabadna ku noqdo qaran dhiska iyo nabad ku soo dabaalista dalka ka socota.

Gollaha Qurbajoogta Puntland (PDF) waxay cadaynayaan in taariikhdu markay ahayd Oktoobar 7,2016 ay Maamulka Kumeelgaarka ah Gal-mudug huriyeen horseedna ka ahaayeen colaadda maanta Gaalkacayo ka taagan, iyagoo sabab ka dhiganaya inay ka hortagayeen dhismaha Maxrajka Xoolaha Gaalkacayo ee ay Ganacsto Soomaaliyeed ka hirgelinayeen Magaalada, gaar ahaan dhinaca Waqooyi ee hoosyimaada Puntland. Maxrajkaani waa qayb ka mid ah kaabayaasha dhaqaale ee la rabo in ganacsiga iyo nolosha Gobolka Mudug iyo Soomaaliyaba wax lagu taro. Sidaa awgeed, waxaan masuuliyiinta Maamulka Gal-Mudug ugu yeeraynaa inay sida ugu dhaqso badan ka waantoobaan hurinta colaada iyo weerarada aan wax hadaf iyo mandaq ah ku salaysnayn, wixii ay tabanayaana wada hadal iyo deris wanaag ku dhamaystaan.

Colaadaan oo sii socotaana waxay labada dhinacba usoo jiidi kartaa dhimasho iyo dhaawac hor leh iyo hanta badan oo burburta, iyadoo sababi doonta nacayb iyo sii kala fogaan hor leh oo kala dhexgasha dadka walaalaha ah ee reer Mudug.

Gollaha Qurbajoogta Puntland (PDF) waxay kaloo aad uga xunyihiin ficil iyo dadaal la’aanta ay muujiyeen Masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida inaysan gudan waajibkooda ahaa inay nabadeeyaan deegaamada deriska ah kana hortagaan wax kasta oo caqabad ku noqon kara midnimada iyo wadajirka Ummada Soomaaliyeed. Waxaa kaloo PDF aad uga walaacsan tahay wararka sheegaya in Dowlada Federaalku aysan dhexdhexaad ka ahayn colaadaan iyada ah. Sidaa awgeed, waxaan Masuuliyiinta Dowladda Federaalka ugu yeeraynaa inay ka waantoobaan mashquulka ay ku yihiin gaarista hadafyada dhow iyo danaha siyaasadeed ee shaqsiyadaysan kuwaas oo abuuri kara colaado cusub dalkana dib ugu celin kara burbur hor leh.

Puntland Diaspora Forum (PDF) – Media and Public Relations Office

About The Author