Garowe: Wararkii u dambeeyey ee Doorashada Aqalka Hoose, 10 Xildhibaanada oo la Doortay & Beelahooda

5 nov 2016 (Puntlandes ) Doorashadii Xubnaha Puntland ee Aqalaka Hoose ee Baarlaaamnak Jamhuuridda Soomaaliya ee ka socotay Caasimada Puntland ee Garowe ayaa waxaa goor dhowayd lagu kala baxay Kursiga 7aad iyo kan Kursiga 8aadee ee Aqalka Hoose Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

231-9c4

Warbaahinta Puntlandes ayaa idiin soo gudbinaysa Xildhibaanada gelinkii dambe ilaa iminka la Doortay iyo Beelaha ay kasoo jeedaan:

10-Waxaa ku guulaystay Cali Faarax Dhahar oo helay 42cod , halka Maxamuud Cabdulaahi Cali Yuusuf helay 6cod. hal cod ayaa xumaada, kooramkana waxaa fadhiyey 49ergay: Beesha  Dubays

9-Waxaa ku guulaystay Cabdirashiid Maxamuud Xasan Cabdi oo helay 27 cod, Cabdinaasir Maxamed Cali wuxu helay 21cod , Shamsudiin Goobdoon Yuusuf Makaawi wuxuu helay 2cod: Beesha  Yibraha

8-Waxaa ku guulaystay Daahir Xaaji Geele oo helay 46 cod halka uu Maxamed Maxamuud Abees waxa uu helay 3 cod: Beesha Dubeys

7-Waxaa ku guulaystay Cabdinaasir Siciid Muuse oo helay 26 cod halka ay Maxamed Siciid Saala: 7 cod, Cabdiraxmaan Maxamuud Saalax Bankax: 3 cod, Maxamuud Xaaji Saalax: 2cod, Cabdullaahi Maxamuud Ciise: 1cod: Beesha Siwaaqroon

Gelinkii hore ee maanta ayaa waxaa ku guulaystay Daarashadii 6 Musharax oo kala ah:

1-Cali Yuusuf Cali Xoosh
2- Siciid Daahir
3- Cumar Ismaaciil Waberi
4- Cilmi Cumar
5- Axmed Ismaaciil Maxamed Xaaji
6- Maxamuud Xayir

Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa noqonaya Xildhibaankii 7aad ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, halkan ka akhriso Faahfaahin iyo Beelaha ay kasoo jeedaan oo Warbaahinta Puntlandes ka qortay Xildhibaanada soo baxay

Kala soco 2 Kursi ee haray Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author