DEG DEG: Wararkii u dambyeey ee Dagaalka Gaalkacyo duleedkeeda ka qarxay Saaka

6 Nov 2016 (Puntlandes) Wararkii u dambyeey ee Dagaalka Gaalkacyo Saaka ka qarxay duleedkeeda ayaa sheegaya inuu dhaliyey Khasaaro Dhimasho iyo djhaawacba leh.

bn

Dagaalka oo aan waxba la isula harin ayaaa wali socda iyadoo Ciidanka Puntland ay Ciidamada maamulka Galmudug kasoo saareen dhanka Galbeed oo dhan hadana uu dagaalku ka sii socdo bariga laamiga Xamar aada iyo Laamiga aada Koonfur.

Warbaahinta Puntlandes ayaa Saaraakiisha Aaga dagaalku u Xaqiijiyeen in Dhul balaaran lagala wareegay Ciidanka maamulka Galmudug.

Aagaga lagala wareeray maamulka Galmudug  ayaa waxaa ka mid ah Garoonkii uu maamulka Galmudug oo yaala meel magaalada Gaalkacyo u jirta 3km iyo goobo badan fariisimo u ahaa Ciidanka maamulka Galmudug.

Dhanka kale Ciidanka Puntland ayaa Ciidamada maamulka Galmudug Hal gaari oo Tekniko ah ka qabsaday mid kalena waa ka gubeen.

Dagaalka ayaa wuxuu sababay Khasaaro Dhimasho iyo djhaawacba leh, kuwaasoo la geeyey Isbitaalada magaalada Gaalkacyo.

Wararka dagaalka kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author