Waa Sidee Xaaladda Magaalada Galkacyo Kadib Dagaalkii Shalay.

November 07 2016 (Puntlandes)-Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saaka laga dareemayaa deganaansho aan cago badan ku taagnayn, kadib dagaalkii shalay.

Ciidanka dowladda Puntland ayaa meel magaalada u jidha 8 Km ku horjooga malayshiyaadka Galmudug oo kaashanaya ciidanka dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo dagaalyahano katirsan ururka Alshabaab.

gaalkacyo-puntland-galmudug2015-740x510

Goob joogayaal ayaa saaka u xaqiijiyey Puntlandes, in xaaladdu ay degan tahay aysana jirin wax rasaas culus ama dagaal ah oo saaka dadku kusoo tooseen sidii shalay.

Maalinkii shalay ayaa duleedka magaalada Galkacyo waxaa kadhacay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Puntland iyo huwanta weerarka kusoo qaaday Galkacyo.

About The Author