COD-Gudiga Doorashada Dadban Oo Ammaanay Puntland Farriina U Diray Maamulada Kale.

November 07 2016 (Puntland)-Guddiga Hirgelinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa Maamul goboleedyada kale ee aan weli qaban doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ugu baaqay iney 3 maalin ee soo socota iney ku qabtaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya deegaanadooda.

Afhayeenka Guddiga Hirgelinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya Maxamed Keynaan ayaa Warbaahinta u sheegay in Maamul goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya iney dadajiyaan dhismaha Aqalka Hoose isla markaana ay ergooyinkooda doortaan Xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya deegaanadooda.

DHEGEYSO

About The Author