Dhagayso: Axmed Diiriye oo afka furtay kana qayliyey dagaalkii shalay

7 Nov 2016 (Puntlandes) Axmed Diiriye Cali oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka Hawiye kuna sugan Degmada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ayaa afka furtay wuxuuna ka qayliyey dagaalkii shalay oo uu ku eedeeyey inay Puntland soo weerartay.

232-1b1

Oday Axmed Diiriye ayaan horay uga hadlin Colaadii socotay laga soo bilaabo 7 ot 2016 ilaa iminka oo uu maamulka Galmudug weerar joogto ah ku hayey Puntland, iyadoo ay Puntland difaac uun ku jirtay arka kaliya oo uu ka hadlayna waxay ahayd mar uu soo dhawaynayey Heshiiskii Abu Dhabi.

Oday Axmed Diiriye ayaa ka leexiey cida weerarka joogtada ah wada oo ah isaga iyo maamulkiisa wuxuuna dusha ka saaray Colaada gaalkacyo madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Wax badan baa reer Puntland cod dheer ku lahaayeen walaalayaaloow NABAD iyo wada noolaansho uuna ka door biday Oday Axmed Diiriye inuu wiilal kasoo abaabulo Cadaado isagoo ugu sheekaynaya dalbaarsi ayaad samaynasaan, horay bayna soomaalidu u tiri “Colaad wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho” labada dhanba waxay dani ugu jirtaa in aqligu shaqeeyo oo nabad lagu wada noolaado waana in la iska iloobaa Galmudug xuduudiisu waa Buurtinle oo aan Shaqaynayn Nabadna ka shaqaynayn.

Dhagayso Oday Axmed Diiriye


Puntlandes.com

About The Author