Dhagayso: Xil. Xaaf “Gaalkacyo Baadiheeda Galmudug baa degta… Puntland na dhulbaraalsi ayey wadaa..”

7 Nov 2016 (Puntlandes) Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ka mid ah xildhibaanada waqtigoodu dhamaaday iminkana ku sugan Cadaado ayaa sheegay inay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ay baadiyaheeda degaan reer Galmudug ayna Galmudug leedahay.
232-1b2
Xildhibaan Xaaf ayaa yiri “Gaalkacyo Baadiheeda Galmudug baa degta… Puntland na dhulbaraalsi ayey wadaa..”

Dhanka kale Xildhibaan Xaaf ayaa ku eedeeyey dawlada Puntland inay cida weerarka joogtada ah wada ay yihiin isagoo ka leexiyey inuu yahay cida weerarka wadaa maamulkiisa Galmudug.

Xildhibaan Xaaf ayaa dawlada iyo shacabka Puntland ku eedeeyey inay wadaan wax uu ugu yeeray dhul balaarsi ayna dad dibada ka keenayaan oo Ceelal uga qodayaan wax uu ugu yeeray “dhulka Galmudug” waa sida uu hadalka u dhigaye, wuxuuna intaas kusii daray inay Hubaynayaan dadka meelahaas la dajiyey isagoo Tusaale usoo qaatay Degmada TOWFIIQ, Degmada SAAXO iyo Degaanka JEEXDIN wuxuuna ku tilmaamay dad lasoo qalday inay yihiin dadkaasi waa sida uu u yiriye.

Dhagayso Xildhibaan Xaaf


Puntlandes.com

About The Author