Sawirro-Malayshiyaadka Galmudug Oo Diley Wadaad Ku Baaqayey In Dagaalka Lajoojiyo.

November 07 2016 (Puntlandes)-Ciidanka Malayshiyaadka Galmudug ee kusugan Koonfurta magaalada Galkacyo ayaa diley wadaad Tabliiq ah oo ay shalay gabal-gaabkii ka afduubteen suuqa kala qaybiya waqooyiga iyo xaafadda Baraxleey ee magaalada Galkacyo.

Wararka ay heshay Puntlandes, ayaa sheegaya in Galmudug ay wadaadkaasi uga aaraysay ciidankii iyo saraakiishii ay ku wadayday dagaalkii Galkacyo, waxaana xusid mudan inay kaxaysteen isaga oo sitey magarafoon uu labada dhinac ugu baaqayey inay dagaalka joojiyaan.

Kadib dilkiisa malayshiyaadka Galmudug ayaa maydka wadaadka soodhigay suuqii ay maalinkii shalay ka qafaasheen, waxaana halkaasi kasoo qaaday gaadiidka gurmadka caafimaadka ee cusbitalka guud ee Galkacyo si loo aaso.

SAWIRRO

img-20161107-wa0006-1 img-20161107-wa0005-1 img-20161107-wa0004-1

About The Author