Micheal Keating Oo Farriin U Diray Madaxda Maamul Goboleedyada.

November 08 2016 (Puntlandes)-Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaalbisan Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay Qoondada Haweenka ee loogu tala galay in ay ku yeeshaan Aqalka Sare haweenka Soomaaliyeed ,marka laga reebo xubnaha wali dhiman ee Somaliland iyo maamulka Hirshabeelle ,iyaguna  ay balan qaadeen in ay xaqiijinayaan Qoondada ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed.

Danjire Micheal Keating  ayaa sidoo kale ugu baaqay maamulada ka jira dalka in ay xaqiijiyaan qoondada ay haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xildhibaanada golaha shacabka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay marka la eego doorashadii 2012 dii ka dhacday Soomaaliya iyo sidoo kale doorashada sanadkaan lagu wado in ay ka dhacdo dalka in uu u dhexeeyo farqi weyn  oo ku aadan dhaqdhaqaaqa haweenka ee siyaasada Soomaaliya.

Inkastoo uu sheegay in ay dhibaatooyinka kala duwan ay kala kulmayaan odayaasha beelaha oo aan qaarkood dooneynin in kursiga beeshooda ay ku fadhiisato qof haween ah , hadana dadaal dheer ka dib ayay suurgashay in Qaar ka mid ah maamulada goboleedyada , dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ay hirgeliyaan arintaasi.

Danjire Micheal Keating ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in hadii aysan ku dadaalin dowladda Soomaaliya xaqiijin Qoondada haweenka ee Aqalka Hoose , ay suurgal tahay in ay hoos u dhacdo qoondada loogu tala galay in haweenka Soomaaliyeed ay ku yeeshaan Aqalka Hoose.

Ugu dambeyntii waxaa maamulada Galmudug , Jubbaland, Koonfur Galbeed,Hirshabeelle oo aysan wali ka dhacin doorashada Aqalka Hoose ugu baaqay  in ay ku dadaalaan sidii loo xaqiijin lahaa ka qeyb galka haweenka ee Aqalka Hoose.

About The Author