Ciidankii Dacish Ka Xorayn Lahaa Degmada Qandala Oo Heegan Lageliyey.

November 10 2016 (Puntlandes)-Cutubyo katirsan ciidanka dowladda Puntland ayaa lafilayaa inay dhowaan weerar ku qaadaan degmada Qandala oo ay qabsadeen malayshiyaad xiriir laleh kooxda Daacish.

Taliyaha ciidanka difaaca Puntland ee Aaga Bari Kornayl Faarax barimo ayaa heegan buuxa iyo diyaar garowgii ugu dambeeyay galiyay ciidankiisa oo isku diyaarinaya inay kaalin xoogleh ka qaataan dib u xoraynta degmada Qandala ee gobolka Bari.

Kornayl Faarax Birimo ayaa dhawaan madaxeyne Gaas uu hogaan uga jabhadii gudoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Gallan, oo ahaan jirey gudoomiyaha gobolka Bari.

About The Author