Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland Ku Shirsan Aqalka Madaxtooyada Garoowe.

November 10 2016 (Puntlandes)-Xarunta madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa kulan muhiim ah kuleh golaha xukuumadda dowladda Puntland, iyadoona ay goob joog yihiin, madaxweyne Gaas, ku-xgeenkiisa iyo golaha wasiirada dowladda Puntland.

Shirkaani ayaa maanta waxaa lafilayaa in si gaar ah diirada loogu saaro dagaalada magaalada Gaalkacyo, Abaaraha baahsan ee ka jira gudaha Puntland & Doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo ay joogaan baddi xubnaha golaha Xukuumada ee Puntland.

Sidoo kale waxaa xukuumadda lafilayaa inay si gaar ah uga hadasho shirka magaalada Gaalkacyo dhawaan loo aadi doono, kaas oo ku saabsan sidii wada xaajood dhab ah loola gali lahaa dhinaca Galmudug.

About The Author