DHEGEYSO-Madaxweynaha Galmudug Oo Farriin U Diray Shacabka Galkacyo.

November 12 2016 (Puntlandes)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo in ay u diyaargaroobaan nabad ka dhalata Magaalada Gaalkacyo oo maalmihii lasoo dhaafay dagaal uu ka jiray.

Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in aysan jirin cid qabsan karta Gaalkacyo labada maamul sidaas darteedna ay haboon tahay in lagu wada noolaado Nabad iyo horumar.

DHEGEYSO

Ugu dambayntiina Guuleed ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin nabad buuxda oo ka dhalata Gaalkacyo , islmarkaana shacabka Magaalada Gaalkacyo looga baahan yahay in ay taageeraan heshiiska nabada ee maanta lagu gaaraayo Gaalkacyo.

About The Author