Shirka Nabadaynta Galkacyo Oo Lafilayo Inuu Maanta Ka Furmo Magaaladaas.

November 12 2016 (Puntlandes)-Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta lafilayaa inay kulan kuyeeshaan madaxweynaha dowladda Puntlland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, kulankaas oo looga hadli doono colaada ka taagan Magaalada  Gaalkacyo.

Kulankan ayaa la filaaya in ay goob joog ka noqdaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Jubbaland, Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya iyoo xubno kale.

Qodobada ugu horeeya ayaa waxaa kamid ah sidii taabagal looga dhigi lahaa qorshaha la xariira in la kala qaado ciidamada oo isku horfadhiya aagag badan, waxaana adag sida labadaas dhinac ay arrintan iskugu fahmi doonan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay si adag u wada hadli doonaan Puntland & Galmudug oo dagaalkoodu socday mudo ka badan 40 maalmood, kaas oo khasaare weyn ka dhashay.

About The Author