DEG DEG: madaxweyne C/kariim & Odoyaal soo gaaray Garoonka Cabdulaahi Yuusuf & Shirkii oo Furay

12 nov 2016 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa iminka keenay Garoonka Cabdulaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo wafdi ballaaran oo uu Hogaaminayo madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guulled.

bn

 

Wafdi uu Hogaaminayo madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim ee soo gaaray Garoonka Cabdulaahi Yuusuf ayaa waxay u badan yihiin odoyaal u matali doona maamulka Galmudug wada hadalada xalka loogu raadinayo dhibaatada kusoo noqnoqotay magaalaga Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug.

Shirka ayaa ka iminka Garoonka Cabdulaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo la doonayo in lagu soo afjaro Dhibaatada ku soo noqnoqotay magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug.

Odoyaasha oo labada dhinac u matali doona wada hadalada

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in dawlada iyto shacabka Gobolka Mudug ee Puntland ay usaareen wada hadalada furmaya inay u matalaan 11 Oday oo looga dambayn doono wada hadalada xalka loogu raadinayo dhibaatada kusoo noqnoqotay magaalaga Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug.

Dhanka maamulka Galmudug ayaa iyana waxaa u matali doona Shirkan Odoyaal.

Puntlandes.com

 

About The Author