Wejiga 2aad ee Doorashada Aqalka Hoose Oo Garoowe Ka Bilaanaya.

November 13 2016 (Puntlandes)-Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa saaka waxaa dib uga bilaabanaysa doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee barlamaanka federalka ah ee Soomaaliya.

Wajiga labaad ee doorashada ayaa saaka ka furmaya xarumaha jaamacadaha PSU iyo EAU ee magaalada Garoowe iyadoona ergooyinkii doorashada loodhammeeyey tababaro lagu carbinayey.

Gudiga doorashada dadban ee heer Puntland ayaa horay u sheegay in dhowaan lasoo afmeeri doono guud ahaan doorashada xubnaha aqalka hoose ee barlamaanka Soomaaliya.

About The Author