Waa Sidee Saaka Xaaladda Magaalada Galkacyo Kadib Heshiiskii Shalay.

November 13 2016 (Puntlandes)-Xaaladda magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saaka degan kadib heshiis maalinkii shalay ay wada gaareen madaxweynaha dowladda Puntland iyo kan maamulka Galmudug.

Shacabka kunool magaalada Galkacyo ayaan weli helin kalsooni nabadeed maadaama ay magaalada hareereheeda weli kusugan yihiin boqolaal kamid ah ciidamada labada dhinac iyadoona xalay Galmudug madaafiic kusoo tuurtay Sayladda cusub ee xaafadda Garsoor.

Dhanka kalena warar hoose oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya in kudhowaad 200 oo ciidan hubaysan ah diyaarado looga soo daabulay magaalada Muqdisho iyadoo beesha caalamka loogu sheekeeyey in lageynayo Cadaado lanageeyey koonfurta Galkacyo.

AKHRI HESHIISKII SHALAY.

About The Author