Sawirro: Amiir Maxamuud Yusuf Ciise oo la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Somalia

13 nov 2016 (Puntlandes)  Amiir Maxamuud Yusuf Ciise oo ka mid ah Isimada Gobolka Mudug ee Puntland ayaa manta magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarlke.

Kullanka Amiirka iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa wuxuu ku saabsanaa nabadeynta Gaalkacyo, Abaaraha iyo horumarinta.

Amiir Maxamuud oo ah Gudoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Gobolka Mudug ayaa waxa uu Ra’iisal Wasaaraha kala hadlay sidii looga qayb qaadan lahaa Horumarinta Gobolka Mudug, iyadoo uu aad ula dhacay Ra’iisal Wasaare Cumar soona dhaweeyey shaqada Bulshada Gobolka Mudug uu u hayo Guddiga uu madaxda u yahay Amiirku.

Daawo Sawirrida
232-3b1

232-3b2

232-3b3

232-3b4
Puntlandes.com

About The Author