Amiir Maxamuud oo Guddiga dib u dhiska Isbitaalka Galkacyo ku wareejiyey lacag dhan 17000$ oo ay Jaaliyadda Puntland ee Melbourne ugu deeqay

13 nov 2016 (Puntlandes)  Jaaliyadda Puntland ee magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa ugu deeqay dib u dhiska Isbitaalka Gobolka Mudug ee magaalad Gaalkacyo lacag dhan 17000$.

232-3b9

Jaaliyadda ayaa waxay ku soo direen lacagta Gudoomiyaha Guddiga Horumarinta Gobolka Mudug Amiir Maxamuud Yusuf Ciise, kana mid ah Isimada Gobolka Mudug ee Puntland.

Lacagtan ayaa iyagoo Wakiil ka ah Jaaliyadda Puntland ee magaalada Melbourne ee dalka Australia waxaa soo diray Dr Xasan Yusuf Dhuux (Xasan Garabey) iyo Safiya Nuur Horeeye.

Halkan Hoose ka Akhriso Reciidkii uu kusoo qaaday lacagta Amiir  Maxamuud

232-3b5a

Amiir Maxamuud oo ah Gudoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Gobolka Mudug ayaa u mahadceliyey dhamaan Jaaliyadda Puntland ee magaalada Melbourne ee dalka Australia ee ka soo qayb qaatay lacagtan loogu talagalay Dib u dhiska Isbitaalka Wayn ee Gaalkacyo oo  ku burburay Weerar Qarax ay oo Alshabaab ku qaaday.

Amiirka ayaa Allah uga baryey inuu bedel khayr qaba siiyo dhamaan dadkii ka qayb qaatay Dib u dhiska Isbitaalkan oo shaqo aad muhiim u ah u haya guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyey Dr Xasan Yusuf Dhuux (Xasan Garabey) iyo Safiya Nuur Horeeye iyo dhamaan dadkii waqtiga geliyey.

Amiir Maxamuud ayaa intaas ka dib waxa uu ku wareejiyey lagataas koontada ay Guddiga dib u dhiska Isbitaalka Gaalkacyo ku leeyihiin Xawilaada/Bankiga AMAL.

Halkan Hoose ka Akhriso Reciidkii uu ugu wareejiyey lacagta Amiir  Maxamuud Koontada Guddiga dib u dhiska Isbitaalka Gaalkacyo ay ku leeyihiin Xawilaada/Bankiga AMAL.

232-3b6a

Puntlandes.com

About The Author