Wasiir Siciid Xuseen Ciid o oka mid noqday Xil. Puntland ee Aqalka Hoose ee JFS

13 nov 2016 (Puntlandes)  Wasiirka Xannaanada Xoola, Dhirta iyo Daaqa DFS ayaa maanta ku guulaystay ka mid noqoshada xubnaha Puntland ku matalaya Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

232-3b8

Xildhibaan Siciid ayaa ku guulaystay 48 cod, halka murashaxii la tartamayay oo lagu magacaabo Maxamuud raage Maxamed uu helay 1 cod, Codna waa xumaaday, iyadoo guud ahaan ergada codaynaysay tiradoodu ay gaaraysay 50  qof  oo isugu jira rag iyo dumar.

Xildhibaan Siciid oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in cod aqlabiyad ah uu ku guulaysto, waxaana uu u mahadceliyay ergadii dooratay iyo Guddiga doorashada heer Puntland.

Xildhibaan Said ayaa ah Mas’uulkii ugu shaqada badnaa Mas’uuliyiinta Puntland ugu jiray DFSwaxaana aad loogu xusuustaa Suuq gayntii uu u sameeyey Xoolaha Soomaliya mudada yarayd ee uu xilka hayey.

Puntlandes.com

About The Author