DEG DEG-Ciidamada Koonfur Galbeed Oo Dib U Qabsaday Degmada Tiyeeglow.

November 14 2016 (Puntlandes)-Ciidanka maamulka Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay dib u qabsadeen degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shegay iney la wareegeen gacan ku haynta Degmada Tiyeegloow oo dhawaanahan ay maamulayeen Al-shabaab kadib markii ay bil kahor ka bexeen Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Soomaalida.

Ciidamada la wareegay Tiyeegloow oo ka ambabaxay Degmada Xudur ayaa waxaa lasoo sheegayaa ineysan la kulmin wax iska caabin ah,Ciidamada ayaa fariisimo ka samaystay gudaha iyo daafaha Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool.

About The Author