Sawirro: Kulan albaabadu u xiran yihiin oo usocda Keyten iyo Gaas.

15 Nov 2016 (Puntlandes) Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa soo gaaray magaaladda Gaalkacyo, waxaana uu garoonka diyaaraha ee C/lahi Yusuf kulan kula qaadanayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas.

Kulana albaabadu u xiran yihiin oo ay saxaafaddu dibadda ka joogto ayaa waxaa uu haatan usocdaa, Keating iyo Gaas.

Hoolka shirarka ayaa waxaa haatan ku sugan ergadii ay Puntland u xilsaartay wada hadalada Magaaladda Gaalkacyo, waxaana uu gudigaasi ka kooban yahay, Nabadoono, Culimo iyo Ganacsatto. si loo xaliyo colaada, waxaana ahalkaas kulan kula yeelan doonaan Keating oo qayb ka ah arinta nabadaynta Gaalkacyo.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galaya Raysal wasaare Cumar, waxaana uu qayb ka noqonayaa wadahadalka ergada, ,daxweynaha iyo Ergayga qaramada midoobay.

Laso wixii kasoo kordha

img_1580 img_1582 img_1588 img_1590 img_1593

About The Author