SAWIRRO: Halkee maraya Kulakii ka socday C/lahi Yusuf Airport

15 Nov 2016 (Puntlandes) Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa waxaa uu kulan laleeyahay Odayaasha dhaqanka ee Magaaladda Gaalkacyo.

Ergayga ayaa waxaa uu soo gaba gabeeyey kulan irduhu u xirnaayeen, oo la qaatay madax weynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali maxamed Cali Gaas, waxaana uu haatan shir la leeyahay, Madaxda dhaqanka ee gobolka Mudug.

Kulanka ayaa haatan waxaa kusoo biiray Raysal wasaare Cumar C/rishiid oo matalaya Dowladda Federaalka, maalmahaana ku hawlanaa xaaladda magaaladda Gaalkacy iyo sidii xal loogu heli lahaa, sidoo kalana kulamo gaar gaar ah la qaatay maamulada labada dhinac iyo odayaasha dhaqanka ee labada dhinac.

Kulanka ayaa haatan Saxaafadda Dibadda looga soosaaray, iyada oo qodobo xasaasi ah laga doodayo, waxaana ay odayaashu soo badhigeen sidii ugu wanaagsanayd ee xal looga gaarilahaa magaalada.

SAWIRRO

img_1619 img_1614 img_1610 img_1609 img_1607

 

About The Author