Sawirro: Kulankii Galmudug iyo Kenyten iyo Cumar

15 Nov 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Ergadii nabadaynta Galmudug oo uu hogaaminayo ayaa soogaaray Garoonka Diyaaraha ee C/lahi Yusuf Axmed, halkaas oo uu kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Gobolka Mudug C/lo: Xassan Maxamed Xaliif (Abgaaloow), iyada oo sii sugayey madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas.

Raysal wasaare Cumar C/rishiid Cali Sharmaake iyo Ergayga Qaramada midoobay uqaabilsan Soomaaliya, ayaa kulan la qaatay Madaxweyne C/kariin iyo madax dhaqameedka Galmudug, waxaana ay kala xaajaysanayeen in ay ogaadaan afkaarta Galmudug, si loo raadiyo Xal waara oo laga gaaro xaaladda Gaalkacyo.

Sida uu khudbaddiisa ku sheegay Raysal wasaare Cumar, waxaa ay dhagaysan doonaan wadada ay Galmudug u aragto in lagu gaari karo Nabadda Gaalkacyo, iyo sidii xal waara looga gaari lahaa colaada soo laalaabatay, iyada oo kadibna ay taladooda ku darsan doonaan qariiradda Nabadda ee Gaalkacyo.

Daawo Sawirro.

img_1622 img_1630 img_1636 img_1640 img_1642 img_1643 img_1648 img_1653 img_1655 img_1659 img_1660

 

 

About The Author