Sawirro: Madaxweyne Gaas oo ku guulaystay Kala Qaadista Ciidamada dagaalku ku dhexmaray Gaalkacyo

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubnihii guddiga ee loo xilsaaray soo afjaridda colaadda Gaalkacayo ayaa maanta gelinkii danbe 18 November, 2016 waxay ku guulaysteen in xabad joojin rasmi ah laga gaaro dagaaladii ka socday magaalada Gaalkacayo isla markaana ciidanka labada dhinac lakala durkiyo, iyadoo lasii anba qaadi doono wada hadalada ku salaysan xallinta khilaafaadka ka dhex jira bulshada magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland, masuuliyiin ka mid ah golayaasha Dawladda Puntland, Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha mamulka Gal-mudug, masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay tageen oo shir jaraa’id ku qabteen goobihii ay dagaaladu ka socdeen ayna isku hor fadhiyeen labada ciidan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyay guddiyadii labada dhinac ee howsha kaalin weyn ka geystay, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee ay u socdaan shirarka nabadaynta magaalada Gaalkacayo isla markaana ay muhiim tahay in ay dhamaato colaadda magaalada ka jirta.

” Waan ku faraxsanahay in maanta aan joogno goobihii uu dagaalku ka socday isla markaana aan ku guulaysano in la gaaro xabad joojin rasmi ah sidoo kalena ciidamada lakala durkiyo, cidkasta oo arrintaas gacan ka geysatayna waan u mahad naqaynaa, waxaan rajaynaynaa in colaadda Gaalkacayo ay dhamaato, dadka ehelka ee walaalaha ahna ay helaan xal iyo nabad waarta, wada hadalada jira waqtigana ma joogsan doonaan balse way sii socon doonaan”
ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa dhankiisa sheegay in hore loo qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xallinayo colaadda magaalada Gaalkacayo “runtii waan ku faraxsanahay in aan maanta joogno goobtii dagaalku ka socday isla markaana ciidankii labada dhinac lakala qaaday, waana ku rajo weynahay inta harsan in lasii dhamaystiri doono” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Gal-mudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa isaguna dhankiisa tilmaamay in guusha laga gaaray colaadda Gaalkacayo ay tahay mid la wada sugayey ” guusha aynu ka gaarnay colaadda Gaalkacayo waynu wada sugaynay waana ku faraxsanahay in aan ciidankii kala qaadnay, ciidamada labada dhinac waxaa waajib ku ah inay fuliyaan wax kasta oo looga heshiiyo colaadda magalada Gaalkacayo” ayuu yiri Madaxweynaha Gal-mudug.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo dhamaan masuuliyiinta kale ayaa bulshadii labada dhinac ee ka qaxay magaalada ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan magaalada isla markaana ay ku kalsoonaadaan wada hadalada socda ee lagu xallinayo colaadda magaalada Gaalkacayo.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo mudooyinkii danbe ku sugnaa magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa dedaal dheer u galay sidii loo soo afjari lahaa colaadda ka aloosan magaalada, isagoo guul la taaban karo ka gaaray in lakala durkiyo ciidamada labada dhinac, xabad joojin rasmi ahna la gaaro.

img_0013

img_0014 img_0015 img_0016 img_0017 img_0018 img_0025 img_0030 img_0034 img_0045 img_0048 img_0050 img_0052 img_0055 img_0057 img_9937 img_9938 img_9940 img_9948 img_9959 img_9961 img_9964 img_9972 img_9973 img_9977 img_9984 img_9989 img_9990 img_9991 img_9992 img_9993 img_9994 img_9995 img_9996

img_9997 Puntlandes.com

About The Author