Qaramada Midoobey Oo Walaac Ka Muujisay Xaaladda Abaareed ee Soomaaliya.

November 19 2016 (Puntlandes0)-Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada ayaa sheegay in abaaraha Soomaaliya ay saameeyeen dad u badan caruur oo ku sugan Soomaaliya.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in wax laga qabto abaaraha Soomaaliya oo sheegtay in ay la ildaran yihiin dad gaaraaya 1.2 Million oo qof oo isku jira caruur iyo haween.

OCHA ayaa sheegay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay  jirtay  in boqolkiiba 20  ay korortay  tirada dadka ka cabanaya  cunto la’aanta aadka u daran taasina ay sabab u tahay abaaraha baahsan ee ka jira Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ay jiraan caruur badan oo nafaqo daro ay ku haysato Soomaaliya , loona baahan in wax laga qabto arintaasi.

Sida ay sheegayaan qiyaasaha, ku dhowaad 320,000 kun oo carruur  ah  ayaa qarka u saaran in ay u dhintaan cuduro kala duwan oo ay sababtay abaarta ka jirta Soomaaliya iyadoona 50,000 kun   oo ka mid ah ay la ildaran yihiin Nafaqo daran ba’an

Ugu dambeyntii Qaramada Midoobey ayaa codsatay in wax laga qabto abaaraha Soomaaliya , islamarkaana gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu ay saameeyeen.

About The Author