XOG: DAMUL JADIID oo faragelin ku haysa Xil. Aqalka Hoose ee Puntland

19 nov 2016 (Puntlandes) Iyadoo ay Puntland ugu horaysay ama iyadu bilowday Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Jamhuuriradda Federaalka Soomaaliya ayaa hada waxaa ku yimid hakad aan la aqoon.

madaxtooyadda-puntland

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Kooxda Xasan Sheekh ee DAMUL JADIID ay faragelin ku hayso Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Puntland uga qayb galaya Baarlamaanka Jamhuuriradda Federaalka Soomaaliya.

Waxay kaloo Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inay Kooxda Xasan Sheekh ay taageero ka heshay dad reer Puntland ah oo ay DAMUL JADIID kula heshiisay ama lacag ama balan qaad siyaasadeed si ay uga taageeraan Faragelinta ay DAMUL JADIID ku hayso Doorashada ldhibaanada Aqalka Hoose ee Puntland.

Waxay kala yihiin dadka ka caawiya:

1-Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Faroole

Madaxweynihii hore ee Puntland oo iminkana ah Xubin ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriradda Federaalka Soomaaliya Dr Faroole ayaa heshiis waxa uu kula galay Xasan Sheekh inuu siiyo Raysul wasaare marka uu Doorashada madaxtinimada Soomaaliya ku guulaysto isna waxa uu badelkiisa ka Caawin doonaa inay Kooxda DAMUL JADIID inay ku yeelato Puntland Xildhibaano labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.

232-4a1

Dr Faroole sida ay XOG rasmi ah ku heshay Warbaahinta Puntlandes waxa uu ka helay Kooxda DAMUL JADIID lacago fara badan oo loogu talaogalay soo saarista Xildhibaano DAMUL JADIID taageera, faroole na aad buu arintaas uga shaqeeyey.

Dr Faroole waxaa iminka la oran karaa wakiilka rasmiga ah ee Kooxda DAMUL JADIID u fadhiya Puntland ee u qaabilsan Doorasha.

2-Wadaadada Ixtisaam

Wadaada Ixtisaam oo aad awood dhaqaale iyo mid Siyaasadeed ugu leh Puntland waxay qayb ka yihiin ololaha ay dib ugu soo noqonayso Kooxda DAMUL JADIID iyagoo kala shaqaynaya ama ka taageeraya sidii ay Kooxdaasi ugu yeelan alahayd Puntland Xildhibaano badan oo ka qaybqaata dib usoo noqoshada Xasan Sheekh.

Wadaada Ixtisaam waxay olole aad u xoog badan ugu jiraan soo saarista Xildhibaano dib u doorta Xasan Sheekh.

Hakadka ay dawlada Puntland ku samaysay Doorasha

Hakadka ay dawlada Puntland ku samaysay Doorasha ayaa wuxuu siiyey Kooxda DAMUL JADIID iyo taageerayaashooda inay helaan waqti ay usoo jeesytaan Puntland, kadib markay ku dhawaad usoo dhamaatay Doorashadii ka dhacaysay maamul Goboleedyada kalae ee dalka ayna soo saareen wixii ay awoodeen inay soo saaraan.

Inkastoo aan la dhihi Karin dawlada Puntland ayaa heshiis kula ah Kooxda DAMUL JADIID Qorshaheeda faragelinta ah hadana dib u dhaca Doorashada waxay u sahashay Kooxda DAMUL JADIID inay Puntland waqti iyo Maskaxba u helaan si ay u fushadaan danahooda.

Lam garanayo waxay dawlada Puntland hakadka u gelisay Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Puntland uga qayb galaya Baarlamaanka Jamhuuriradda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ilaa iminka la doortay 19 Xubnood oo kaliya halka ay dawladaha kale ay gabo gabo marayaan.

Ma oran karaa daahinta “Timir laf baa ku jirta”

Puntlandes.com

About The Author