Dhagayso: Hantidhawrka Guud ee Qaranka ”Doorashada Soomaaliya waa la Musuqmaasuqay”

19 nov 2016 (Puntlandes) Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Nuur Jimcaale Faarax ayaa sheegay in Doorashada Soomaaliya ka socota iminka la Musuqmaasuqay, iyadoo codadka la kala iibsanayo, ku takri-fal awoodeed iyo cabsigelin.

232-4a4

 

Waraysi khaas ah oo Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya uu siiyey VOA ayuu ku sheegay inay diiwaangeliyeen ugu yaraan lix kursi oo Xubnaha ku kusoo baxay ay qaab sharciga aan Waafaqsanayn ku yimaadeen.

Dr Nuur Jimcaale ayaa sheegay in cabashooyin badan ay soo gaareen xafiiskiisa oo ay ka mid aheeyeen Kuraasta qaarkood in Kursi kasta oo ay ahayd inay u tartamaan 2 Musharax ugu yaraan inaysan dhicin taasi, kuraasta qaarkood in la keensaday dad ”magac u yaal uun ah” oo ila Fariiso uun ah, qaar dadkii tartamayaasha ahaa in loo diiday oo dibadda lagu reebay oo loo diiday inay soo galaan Hoolka Doorashadu ka dhacayso, Ergooyinka oo qaarkood lacag la siiyey, Kuraasta qaar gacan taag ayaa lagu codeeyey meeshii la rabay in lagu Coddeeyo sanduukh Codbixinta.

Dr Nuur Jimcaale ayaa sheegay in Musuqmaasuqa ugu wayn uu ka dhacay maamulada Galmudug iyo HirShabeelle, isagoo sheegay in Kuraasta qaarkood la kala siistay lacag ka badan 1300000 Doollar.

232-4a1

Dr Nuur Jimcaale ayaa sheegay inay Guddiyadda Doorasha ee Heer Federaal iyo Dawlad Goboleed ay qayb wayn ka yihiin Musuqmaasuqa iyagoo aqbalay wax aan Sharciga waafaqsanayn.

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in Musuqmaasuq baahsan uu ka dhacay dawlad Goboleedyada Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland wuxuuna ku tilmaamay Doorashada mid guud ahaan aan Xalaad ahayn ooo Xaaraan ah.

Dhagayso waraysiga Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Nuur Jimcaale Faarax


Puntlandes.com

About The Author